Ra’isul-wasaarihii Hore Ee Cabdi F. Shirdoon (Saacid) Oo Si Kulul Uga Hadley Qaraxii Shalay Ee Muqdisho

Ra’isul-wasaarihii Hore Ee Cabdi F. Shirdoon (Saacid) Oo Si Kulul Uga Hadley Qaraxii Shalay Ee Muqdisho

Ra’isulwasaarihii hore ee xukuumadda Fedaraalka ah ee Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo haatan ku sugan magaalada Oxford ee dalka Ingiriiska ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaan ehelada iyo qoysaska dadkii ku dhintay ama ku dhaawacmay qaraxyadii shalay oo ku beegan 14. 10. 2017 ka ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dr. Saacid Shirdoon waxaa isaga oo aad u tiiraanyeysan uu maalinkii shalay ahayd ku tilmaamay maalin aad u murago badan oo taariikhda baal madow ka geshey, kaasoo dhamaan bulsho-weynta soomaaliyeed ugu baaqay inay walaalood muragada la qaybsadaan, isla markaana muujiyaan xus iyo baroordiiq aad u wayn.

Waxaa dhammaan eheladii iyo qoysaskii ay ka dhasheen dadkii ku geeriyooday uu eebe uga baryay inuu samir iyo iimaan waafi ah kasiiyo, intii ku dhaawacanteyna uu ilaahay u boogo-dhayo, kaasoo dhamaan dadkii ku dhintay eebe uga baryay inuu jannadii fardowsa ahayd ka waraabiyo. Aammiin, Aammiin.

INNAA LILLAAH WA INNAA ELEYHI RAAJACUUN!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *