Qoraal: Wareysigii RW-hore Abdi Farah Shirdon (Saacid) uu siiyay Horn Cable TV-London, UK

Qoraal: Wareysigii RW-hore Abdi Farah Shirdon (Saacid) uu siiyay Horn Cable TV-London, UK

S1. Mudane Ex RW labadii sano ee u dambeysey waxaad ku sugneyd magaalada xadaaradda iyo aqoonta ee ee Oxford, bal warbixin naga sii waxyaabaha ad u joogtay dalkan Ingiriiska?

J2: Waxaan ku sugnaa labadii sano ee la soo dhaafay ( ilaa September 2017) magaalada Oxford, UK. Muraadka an u joogay wuxuu ahaa inaan kordhiyo aqoontayda oo an baaris madax banaan ku sameeyo mas’alado la xiriira faham mug leh ee waxyaabaha ragaadiya kabashada dawladnimada wadamada kasoo doogaya dagaalada iyo burburka sida Soomaaliya.

Sida diinteenu qabto aqoon-kororsigu waa waajib inta qofku nool yahay oo awood iyo waqti u heli karo waxbarashada. Danta an waxbarashada ugu laabtay ma aha inaan helo shahaadooyin an mushaar badan ku qaato, balse waa inaan ku raaxaysto oo maskaxdayda ku baahiyo ileyska aqoonta.

Waxaan rajeynayaa inaan tusaale suuban u noqda dhallinyarada iyo madaxda oo muhiimadda waxbarashada tixgelin gaar ah la siiyo.

S2: Mudane Saacid Shirdon, waxaad ahayd RW-hii ugu horreeyey ee hogaamiya xukuumad rasmi ah ee Somalia waqtigii ay ku-meel-gaarka ka  baxday(2012). Waxaad dhistay xukuumad 10 wasiir ka kooban oo tiro ahaan ku cusub taariikhkda dawladnimada Somalia. Waa la ammaanay xukuumaddaas tayadeedii mase raagin. Bal wax nooga sheeg fekreddaasi siday ku dhalatay, waxqabadkii xukuumaddaas iyo waaya-aragnimadii laga dhaxlay?

J2: Waxyaabaha ugu muhiimsan ee lagu xusuusan karo xukuumaddii ugu horreysay ee Soomaaliya ee an KMG ahayn ee aan soo dhisay dhamaadkii 2012, waxaa kamid ahaa mabaadi’dii asalka ahayd ee lagu dhisay, hab-dhaqankeedii iyo waxqabadkeedii – sida;

  1. U bareeriddi inaan xaqiiqdeena ku tashanno oo dhisno xukuumaddii ugu koobneyd oo tayo leh uguna miisaaneyd ee Somalia- kana koobneyd 10 (toban) Wasiir oo qura.
  1. Dhaqan tirkii habka 4.5 ee calaamadda u ahaa inaan beelaha Soomaaliyeed xukunka u sinneyn. Maanta, awood qeybsiga dhanka xukuumadda, wax nus ahi ma jiraan oo beesha 5aad waxay la mid tahay beelaha kale.
  1. Ka qeybgelinta dumarka talada iyo siyaasadda dalka oo gaartay meeshii u sarreysay taariikhdeena oo ah 20% tirada golaha iyo jagada RW ku-xigeenimo.
  1. Kala soocidda hawlaha kala duwan ee dawladda- sida xukuumadda iyo tan golaha sharci-dejinta, si loo horumariyo mabda’a isla xisaabtaanka. Wasiirka Caddaaladda oo qura baa ka ahaa golaha asalkaa (10) ee xukuumaddaydii xubin Golaha Shacabka.
  • Waxaan dhisay qaab ahaan dawlad wadaag ah oo loo dhan yahay. Taasoo ah dawladda ugu habboon ee maanta na anfici karta. Waxaan laallay fekreddii ahayd ma i dhistay/ codeysay mise waad iga safatay/codeysay. Wasiiro ka tirsan axsaab kala duwan iyo kuwo an isku murashax Madaxweyne aheyn baa golaha ku wada jirey oo si hufan u soo wada shaqeeyey.
  • Qaadistii cuna-qabateyntii hubka ee saarneyd Somalia in ka badan muddo 20(labaatan) sano ah.
  • Safaradii baahsanaa ee maamulada, goballada iyo magalooyinka dalka: Puntland, Galmudug, Ximan iyo Xeeb, Dhuusa-Mareeb, Caabud-Waaq, Beledweyne, Jowhar, Balcad, Afgooye, Merka, Baydhabo, Garbahaarey, Kismaayo iyo meelo kale. Booqashooyinka baaxadaas lahaa, waa markii u horeysay oo lagu dhaqaaqay ilaa burburkii . Ujeedaduna waxay ahayd in dadka la dhageeysto lana taabsiiyo in dowladnimadu tahay wax ay leeyihin oo loogu adeegayo
  • Bilowgii mashruuca “Aada Dugsiyada” oo loo qorsheeyey in ka badan hal milyan oo arday ahi in ay helaan waxbarasho lacag la’aan ah. Iyo, dib-u-nooleynta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed(JUS).
  1. Qorsheynta iyo hirgelinta Barnaamijka Daryeelka Caafimaadka Aasaasigaa (Essential Package of Health Services) ee gobollada dalka. Waa qorshe caafimaad ee waxtar ah lana awoodo baahintiisa.
  • Qabashadii shirweynihii siyaasadda, amniga, waxbarashada iyo caafimaadka- si siyaasadda dalka loogu jaangooyo tallada dadka.
  • Kororka iyo tayeynta maamulka iyo shuruucda maaliyadda dalka. Dakhliga bil-laha ah wuxuu kordhay US$2.5 ilaa US$12 million intii u dhexeysay October 2012- September 2013. Dhanka kale, waxaa dib u soo laabtay kalsoonidii iyo wada-shaqeyntii hey’adaha maaliyada ee caalamigaa (IMF, WB, ADB) iyo Somalia .
  • Korista dhaqaalaha, shaqa abuurka iyo maal gashiga kaabayaasha dhaqaalaha sida; ge’gida diyaaradaha caalimigaa ee Aden Adde iyo dekedda Muqdisho.
  • In ka badan 25 hindise sharciyeed iyo heshisiiyo caalami ah baa xukuumaddu u gudbisay Barlamaanka. Tani waa maqaam sare ee ayan gaarsiisneyn wadamada xaaladaha caadiga ah ku jira qaarkood, kana tarjumaysa hammiga ah sarreynta iyo ku dhaqanka sharciga.
  • Diyaarinta fekredda iyo document-ka Hiigsiga Cusub( New Deal Compact ) ee wadajir Somalia iyo caalamku isula ogalaadeen shirkii Brussels ee September 16, 2013, halkaasoo lagu yaboohay maaliyad dhan US$2.4 billion, kaddib markii lagu qancay dadaalka iyo horumarka ay dowladdu sameysay.
  • Aqoonsigii USA, UK iyo wadamo kale ee reer galbeed ah, iyo in ka badan 16 dal ee daafaha caalamka ee si rasmi ah ugu soo magacawday danajirayaal Somalia.

Haddaan soo gaabsho, wax qabadkaas dhaxal galkaa iyo kuwo kale oo anan halkan ku soo wada koobi karin waxay ku suurtagaleen wada-shaqeyntii fiicnayd iyo mas’uuliyad wadareedkii naga dhexeeyey anniga iyo golahayga wasiirada iyo madaxdii kale ee dalka oo an dhamaantood uga mahadnaqayo sidii habbooneyd oon u wada gudanay mas’uuliyaddii qaranka.

S3: Muddadii ad RW-ha ahayd, waxaa dardar ku socday wada-hadalkii XFS iyo Somaliland oo hadda hakad baahsani ku yimid. Maxaa idinku riixayey inaad dardar gelisaan wada-xaajoodkaas?

J3: Wadaxaajoodka laba geesoodka ah wuxuu bilowdey waqtigii dawladdii KMG aheyd, hase yeeshee waqtigii xukuumadaydii waxa la galiyey dardar. Waxaa nagu riixayey inaan dardar gelino wada-hadallada Somalia iyo Somaliland oo an muujinno dabacsanaan iyo dulqaad, arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen:-

  1. Gudashada mas’uuliyadda aasaasigaa ee Dawladnimada: Ilaalinta Midnimada Qaranka Soomaaliya. Waxaan u heelanayn midnimo shaqaysa.
  2. Aaminsanaan in wadajirka laga dheegan karo awood dheeraad ah ee lagu dedejin karo xasillinta amniga iyo dib-u-dhiska dalka.
  3. Qanacsanaan in danta Soomaaliya ay ku jirto in wadajir loo kabto ee aan lakala kaban Karin. Iyo,
  4. Hammi ah soo gaabinta waqtiga kala maqnaashaha iyo khilaafka Soomaaliya.

S4: Siyaasadda dimuqraadiyeynta dalka: Xisbiyo ayaa laga yagleelay Somalia. Sida muuqata waxaa loo diyaar-garoobayaa doorashada sanadka 2021. Adiga ka Saacid ahaan maxaa kaaga qorsheysan hawlahaas?

J4: Waa muhiim in la yeesho siyaasad cad iyo geedi-socod hufan ee dimuqraadiyeynta dalka. Waxay tiir u tahay nabadda, horumarka, xasiloonida siyaasadda iyo kalsoonida dadku ku qabo nimaadka dowligaa. Xujada ugu culus ee hortaagan dowladnimo hufan ee Soomaaliya ka hanaqaadaa waa sida loo hirgaliyo hanaan ku dhisan dimuqraadiyad dhab ah.

Qaran jabkii nagu dhacay waxaa qeyb ka ahaa maamulka hanaanka dimuqraadiyadda ee dawladihii Soomaaliya ee is-xigay 1960 – 1991.

  1. 1969 waxaa jirey in ka badan 70 xisbi, balse 1991 waxaa jirey hal xisbi oo qur ah!!
  2. Maanta waxaa diiwaangashan 54 xisbi oo gaari kara ilaa 70 xisbi marka waqtiga doorashada lagu dhawaado.

Waxaa haboon in la helo axsaab kooban oo feker ku dhisan – sida Rwanda, Uganda iyo Ethiopia. Hadda waxaan leenahay saansaanka DRC.

Haddaan dib ugu laabto, su’aashaadii, aniga waxaa ila gudboon- waxa la gudboon qof kasta oo Soomaali ah ee wacyi siyaasadeed leh – oo ah:-

  1. Inaan aniga iyo intii ila feker ahi aan dhisanno xisbi ahdaaf cad leh oo ka tarjumaya himilooyinka siyaasadeed ee maanta Soomaaliya la gudboon. Ama,
  2. Inaan ku biiro xisbi aan ku qanco qorshihiisa siyaasadda Soomaaliya.

S5: Siyaasadda la dagaalanka argagixisada iyo xag-jirnimada: Dagaalka Al-Shabaab muddo dheer (illaa 13 sano) ayuu socday oo dawladda, Amisom iyo caalamkuba iska-kaashanayeen. Waqtigan dagaalkaasi uma eka mid degdeg lagu soo af-jarayo. Haddaba maxaa gudboon?

J5: Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa AMISOM iyo wadamada naga taageera aminga, xasilinta iyo la dagaalanka argagixisada Soomaaliya. Dhiig iyo dhaqaaleba waa naloo huray. Mahadsanidiin.

Muddo 13 sano ah oo AMISOM ay dalka joogtay laguma guuleysan in la soo af-jaro dagaalka argagixisada. Al-shabaab waxaa ku soo biiray ISIS iney sii kordhaanna waa laga yaabaa.

Ogaalkey 2014, waxaa jirey qiyaas 40 kun oo ciidamo Soomaali iyo AMISOM ah, laga yaabee inay maanta illaa 50,000 gaaraan. Intaas, waxaa dheer ciidamada Maraykanka oo iskaashi la leh dawladda Soomaaliya. Dhammaan ciidamadaas kala duwani waxay iska kaashadaan sidii looga guuleysan lahaa Al-shabaab taas oo aan weli la gaarin gunteeda muddadaas dheer.

Hadaba, waxaan ku talin lahaa in lala yimaado afkaar siyaasadeed oo cad cad oo la isku miisaamo siday u kala waaqacsan yihiin oo duruufaheena gaarkaa ee maanta ugu kala habboonyihiin, sida:-

  1. In siyaasadda iyo shuruucda AMISOM lagu dhaqo wax laga beddelo oo ay u shaqeeyaan sidii ciidamo qaran oo hogaankooda ay dawladdu yeelato.
  2. In dawladdu la timaado hanaan amni oo wax ku ool ah (security reform measures) oo ay si habboonna u maamusho qorshaha is badalka (transition plan) si ay muddo kooban u diyaariso ciidamo qaran ee tababar sare leh oo hubeysan si ay u beddelaan ciidamada AMISOM. Taas micnaheedu waa in dawladda Soomaaliya ay amniga dalkeeda hanato.
  3. In dawladdu u madax bannaanaato iney heshiisyo amni oo laba-geesood ah ay la gasho wadamo ay ku kalsoontahay si ay isaga kaashadaan la dagaalanka argagixisada.
  4. In la furo wada-hadal iyo heshiis lala galo Al-shabaab.

Haddaan la guuleysan ama la helin siyaasad cad oo dagaalku sii jiitamo muddo dheer, waxaan ka welwel qabaa inay dhacdo sida Afghanistan ka dhacday oo aan dawladdu qeyb ka ahayn wada-hadallada Doha iyo kuwa ka socda dalka Russia midnaba.

S6: Maxaad kula dardaarmaysaa DFS, siyaasiyiinta iyo shacabka Somaaliyeed oo isku duuban?

J6: Waxaan kula dardaarmayaa in dawladdu la timaado hanaan ay ku xaqiijinayso xukun wanaag, dulqaad iyo kalsooni dhisid, siyaasiyiintu in ay tixgeliyaan duruufta dalka oo ay kaabaan dawladda ama ay noqdaan mucaarad wadani ah, iyo in shacabku dal-dhiska, bixinta canshuuraha iyo sugidda amnigaba ay kaalin firfircoon ka qaataan.

Marxaladda maanta Soomaaliya marayso, waa adagtahay in laga gudbo haddaan kalsooni, iskaashi, iyo isu-turid ayan dhinacyada kala duwani dhammaan u muujin si wadajir ah.  DHAMMAAD.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *